Madaxweyne Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho (muuqaal)
27 July 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, labo cisho kaddib markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.
Qoorqoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Socdaalkiisa ayaa ah kii u horreeyay ee uu Muqdisho ku yimaado tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Galmudug bishii Febraayo ee sanadkan.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa la filayaa inuu Villa Somalia kula kulmo Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku saabsan is bedelka siyaasadeed ee dalka ku soo kordhay, gaar ahaan xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, wararka qaar ayaa sheegaya inuu kala hadli doono arrinta magacaabida Ra’iisul Wasaare cusub.
Puntlandes.com