Jubaland oo sharci darro ku tilmaamay ansixintii Golaha Adeegga Garsoorka

04 August 2020 (Puntlandes) Dawladda Jubaland ayaa ka hor-yimid ansixintii ay xukuumadda sii hayaha ah ay ku sheegtay inay ansixisay Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, waxayna ku tilmaantay hannaanka loo maray ansixintaas ay tahay mid aan sharci aheyn.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in xilligan aanay habbooneyn ansixinta Guddiyadan, maadaama Golaha Wasiirada ay yihiin kuwo xilka sii haya.

Waxaa uu sheegay in Golaha Adeegga Garsoorka uu yahay mid muhiim ah u dalka, balse haatan dad gaar ah loo soo xulay, iyadoo aan lala tashan dhinacyadii qaabilsanaa, sida Maxkamadda sare, ururada qareenada Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka dalbaday Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan guddiyada ay soo ansixiyaan Golaha Wasiirada xilka sii haya.

Puntlandes.com

About The Author