Sawirro: Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyey deegaanada Beyra iyo Xero Jaalle ee Gobolka Mudug (muuqaal)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran  oo uu hoggaaminayo oo safar dhuölka ah ku maraya Galbeeedja gobolka Mudug ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey deegaanada Beyra iyo Xero Jaalle ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen Xero-Jaalle waxaa siweyn u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, intaasi kadib wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo mashruuca Balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Xero Jaalle oo ay ka shaqeynayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Intii uu ku sugnaa deegaanka Xero Jaalle Madaxweyne Deni, wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu ka dhegaystay baahiyahooda, waxaana markiiba uu Madaxweynuhu ka jawaabay baahida ugu weyn ee ay soo gudbiyeen dadka deegaanku isagoo faray Hay’addaha ay khuseyso in magaaladdaasi la geliyo sida ugu dhakhsiyaha badan Soolar-ka cadceeda ka dhaliya Korontada.



Puntlandes.com

About The Author