Maraykanka oo ka horyimid in Farmaajo sameeyo muddo kororsi

13 August 2020 (Puntlandes) Dowlada Maraykanka ayaa ka hadashay arrimaha doorashooyinka dalka iyadoo qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya loogaga soo horjeestey muddo kordhin inay samayo dawladda uu hogaamiyo madaxweynw Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sugayo natiijada shirka Dhuusamareeb 3, baahida loo qabo wadatashiyo iyo isu tanaasul dhab ah oo furo u noqda in is afgarad laga gaaro.

“Nooca doorasho ee raalli la isaga yahay wuxuu u baahan yahay DFS, Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka iyo daneeyayaasha siyaasadda.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanka.

“Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, iyadoo aanu jiri doonin wax muddo kororsi”ayaa la sii raaciyay qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya xilli waxyar ay ka harsan tahay shirka lagu ballamay ee Dhuusamareeb 3.

Qaar ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa hore ugaa digey in dowlada federalka ay sameysato muddo kordhin.

Puntlandes.com

About The Author