Daawo Video: Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo sheegay inay Puntland diyaar u tahay Markii xal siyaasadeed la aado

16 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo maanta ku safar dibadda ah uga soo noqday caasimadda Puntland ee Garowe ayaa isagoo ka hadlaya shirka Dhuusamareeb sheegay inay Puntland diyaar u tahay markii xal siyaasadeed la aado, isagoo sheegay in khudbaddii madaxweyne Framaajo uu ku caddeeyey in talada dalka ay u taal Baarlamaanka oo kaliya.

Madaxweyne Deni oo arintaas ka hadlayey ayaa yiri ”shirka ka qabsoomaya Dhuusamareeb sida khudbada madaxweynaha ka muuqatay waxaa muuqanaysa taladii dalka inay Baarlamaanka u taalo, Baarlamaanka laga sugayo, isagu uu goäan ka gaari doono, Puntland markii uu jiro xal siyaasi ah diyaar bay u tahay inay xalka siyaasiga qaybteeda ka qaadato, hadduu xal sharci ahna jiro sharciga yey u hogaansami doontaa, haddii ay aragto wax sharciga khilaafsana  oraahdeeda ku haboon ayey oranaysaa..”


Puntlandes.com

About The Author