Akhriso Sheekh Shariif oo ka digay doorashada oo waqtigeedii dib uga dhacda
17 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxda dowladda aanay qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in Madaxda dowladdu aysan daacad ka aheyn in heshiis laga gaaro xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo Dowlad Goboleedyada.
Hoos ka akhriso qoraalka Sheekh Shariif
Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.
Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.
Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan.
Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada.