Sawirro: Gudiga dib habaynta Ciidammada oo booqday xeryaha Ciidammada Dowladda Puntland ee kuyaala bariga gobolka Mudug

21 August 2020 (Puntlandes) Gudiga oo uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga Mudane C/samad Maxamed Galan, Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed C/raxman Dhabancad, Taliyaha Ciidammada Booliska Mudane Gen Cabdi Xasan Xuseen, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdi ladiif Muuse Nuur, Xildhibaano karisan Golaha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidammada Daraawiishta Puntland.

Gudiga waxa ay kormeer ku tageen Xeryaha Ciidammada ee kala ah Xerad Jeexdin iyo Godod waxaana halkaasi ay kula hadleen Saraakiisha iyo Ciidammada xeryahaasi ku sugan iyagoo xariga ka jaray xerada Ciidammada ee Deegaanka jeexdin oo dhawaan la dhisay.

Gudoomiyaha Gudiga Dib habaynta Ciidammada Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa la hadlay Saraakiisha iyo Ciidammada.

“Dhamaan Saraakiisha iyo Ciidammadu waa ku mahad sanyihiin difaacida Dalkiina, Dadkiina iyo Dawladiina, waxaa halkan maraya gudiga dib u habaynta Ciidamnada oo shaqo badan soo qabtay halkana u yimi tiro koobka iyo sixida Ciidammada si loo helo Ciidamo tayo leh”

Xasan shire shire Cabdi Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada ayaa ka hadlay warar been abuur ah oo ku aadan Ciidammada

“Waa been abuur ma jiraan Ciidammo la ruqsaynaayo sida Ciidamada Gaboobey, Naafada,iyo waalidka agoomaha mushaarka u qaada, midna ogaada askari walba xaqiisa ayuu helyaa insha alaah marka aad martaan diwaan galinta”

Dhinaca kale Wasiirka Amniga iyo DDR-TA Dowlada Puntland Mudane C/samad maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in diiwan galinta hada socota ay tahay mid lagu doonayo in ciidanku ay yeeshan tiro saxan iyo tayo sare si joogtaana u helaan xuquuqdooda.

Waxaa xusid mudan in Gudigu sidoo kale ay booqan doonnaan Xeryaha kale ee Ciidammada Daraawiishta ee ku yala Gobolka Mudug


Puntlandes.com

About The Author