Dhagayso: Ma la hirgelin karaa Heshiiskii Dhuusamareeb?

23 August 2020 (Puntlandes) Shirkii Dhuusamareeb 3 ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Dhuusamareeb ayaa madaxdii ka qeyb gashay, madaxweynayaasha DFS, Galmudug, Hirshabeelle iyo KGS, waxay soo saareen heshiis ay ka gaareen hannaanka doorashada ee dalka.

Shirka ayaa waxaa ka maqnaa dawlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland, iyagoo qoraal ay soo saareen ku sheegay in natiijadii ka soo baxay shirkaas mid aaney qayb ka ahayn.

Haddaba, qodobaddii ka soo baxay shirkaasi ma la hirgelin karaa? Sideese loogu qancin karaa dhinacyada ka maqan si loo helo doorasho ku dhacda wadar ogol? Idaacadda VOA ayaa su’aalahaasi iyo kuwo kale weydiiyey Cabdirashiid Khaliif Xaashi, Madaxa Machadka Cilmi Baarista ee Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho.

Dhagayso waraysiga

Puntlandes.com

 

About The Author