Sawirro-muuqaal: Guddoomiyaha gobolka Bari oo shir guddomiyay shirka golaha amniga ee gobolka Bari, maxaa kasoo baxay?

23 August 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaanayaa maanta wuxuu shir Guddoomiyay shirka Golaha Aminga gobolka Bari oo la qaban jiray isbuuc walba, shirkan ayaa waxa ka soo qeyb galay Dhammaan Guddoomiyasha Dagmooyinka Gobolka Bari Iyo Saraakiisha laamaha Amaanka Gobolka Bari.

Madaxdii kasoo qaybgalay shirkan ayaa ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasarada Tamarta Macdanta Iyo Biyaha Dowladda Puntland Mudan Axmed Siciid Qaloonbi, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Ee Gobolka Bari Mudane Axmed Cali Cabdulaahi Ciro, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ee Gobolka Bari Mudane Ahmed Xaaji Maxamud, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud.

Ujeedka Shirka ayaa ahaa dar-dargalinta dowlaha shaqo ay hayaan guddoomiyasha dagmooyinka iyo lamaha amaanka shirka intii uu socday ayaa waxa laga soo saaray 5-aad qodob oo muhiim u ah Hormarka Gobolka Bari waxaana ka war-bixiyay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Ee Gobolka Bari Mudane Ahmed Ali Cabdulaahi Ciro.

1- Xoojinta Amniga Iyo la dagaalanka Kooxaha Nabad Diidka ah.

2-Wada shaqeeynta Hayaddaha ka Howl-gala Gobolka Bari.

3-Xoojinta la dagaalanka kufsiga Iyo Wax Yaabaha maanka dooriya.

4-Dabar-goynta Ayaxa xaalufinaya Deeganadda Gobolka Bari.

5-Dhiiraglinta Iyo Garab istaaga ciidanka Difaca Dowladda Puntland.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan ayaa intii uu socday shirka ka hadlay waxa uuna Guddoomiyasha Dagmooyinka Gobolka Iyo Lamaha Amaanka ku dhiiragaliyay shaqada adag ay u hayaan Bulshada Iyo sidii looga shaqeyn lahaa nabad galyada Iyo Hormarka Gobolka Bari.



Puntlandes.com

About The Author