Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

25 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddiga komishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddiga doorashooyinku waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo xusay inay u bandhigeen xisbiyada, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay guddigu ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka.

Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinku isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka.

Puntlandes.com

About The Author