Sawirro: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo soo afmeertay saxiddii imtixaanka ee dugsiga fasalka 8aad 2019-2020

25 August 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo soo afmeertay saxiddii imtixaanka ee dugsiga asaasiga ah (Hoose/dhexe) ama fasalka 8aad 2019-2020.

Agaasimaha Waaxda Imtixaanka ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane), ayaa sannadkan 2020 dadaal ballaadhan u galay taanbo-gelinta horumarinta tayaynta waxbarashada, taasi oo uu qaatay Xafiiska Imtixaanku tallaabooyin isku-dhaf ah oo lagu rabo in heerarka kala duwan ee waxbarashada laga gaadho natiijo wax-ku-ool ah, iyada oo xoogga la saaray sidii ardayda Puntland guulo wanaagsan ugasoo hoyn lahaayeen imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8aad, kuwaasi oo dhammaantood guulo mug leh laga sugayo.

Agasimaha Caynsane ayaa sheegay in dadaalkii iskaashigii mugga lahaa ee ay sannadkan sameeyeen xafiiska waxbarashada, bah-wadaagta waxbarshada, macallimiinta Puntland iyo guddiyada waaliddiintu tahay tan keentay in guulo waawayn laga gaadho saxidda imtixaanaadka dugsiyada sare iyo Fasalka 8aad.

Agaasimaha Waaxda Imtixaanka ayaa sheegay in sannadkan lala jaanqaadayo nidaamka casriga ah ee Online, waxbarashada lagu guulaystayna ay keentay casharrada ku baxay aaladda internet-ka taasi oo uu xafiiska waxbarashada Puntland uu sameeyay shabakad online ah oo laga daalacan karo casharrada imtixaanaadka fasalka 8aad, arday kastaana uu kala socday moobilkiisa, shabakaddaasi oo ah Youtube-ma Wasaaradda.

Agaasimaha Imtixaamka oo sii wada hadalkiisa ayaa sheegay in saxidda imtixaanaadka fasalka 8aad ee sannadkan tahay mid aad u sarraysay marka loo eego sannadkii hore ee 2019.

Ugu danbayntii, waxa uu Agaasimuhu sheegay, kuna boorriyey dhammaan bah-wadaagta Wasaaradda Waxbarashada Puntland, maamulayaasha waxbarashada gobollada, waaliddiinta iyo ardayda fasalka 8aad in ay u diyaar garoobaan natiijada imtixaanka oo dhawaan la shaacin doono.


Puntlandes.com

About The Author