Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirka Mareykanka
02 Sept 2020 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliy Xasan Sheekh iyo Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa kulan ku yeesheen Xarunta Safaaradda Mareykanka ku leeyahay Muqdisho.
Kulankaan ayaa looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka, maareynta xilliga kala guurka iyo sidii doorashada wada ogol ah, taas oo ay isku raacsan yihiin dhammaan danneeyayaasha siyaasadda dalka uga dhici laheyd
Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Safiirka Mareykanka aragtiyo kala duwan oo la xiriira mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran ka taagan yihiin doorashada 2021 in waqtigeeda ku dhacda oo aan la aqbalin dib u dhac.
Safiirka Mareykanka ayaa shalay la kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho wada hadalo kula yeelanaya Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay muuqato in Safiirku damaanad qaade iyo korjoogteeye ka yahay kulamada xalka looga gaarayo hannaanka doorashada ee dalka.
Puntlandes.com