Shirkii caawa u furmi lahaa Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe oo u baaqday …
02 Sept 2020 (Puntlandes) Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegeysa in uu baaqday shirkii caawa lagu waday inuu Madaxtooyadda uga furmo madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.
Shirka ayaa u baaqday dalab ka yimid madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, kaas oo uu madaxtooyada uga dalbay inay ciidamada ka soo saarto gobolka Gedo oo ay u daadguraysay ciidamo badan kalana wareegtay dawladda Jubaland.
Axmed Madoobe ayaa shalay xubnaha beesha caalamka hor dhigay shuruud uu doonayo in la fuliyo in inta uusan furmin shirka, taasi oo ah ciidamada dowladda federaalka laga soo saaro gobolka Gedo ee Jubaland.
Galabta ayay aheyd markii Madaxweynaha Jubaland iyo Taliyaha NISA kulan saacado badan qaatay ay yeesheen, arrimaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrinta Gobolka Gedo.
Maanta ayaa waxaa faasfiyey inuu shirku caawa furmauyo agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda:
Puntlandes.com