Itoobiyaoo uu ka taagan yahay khilaaf halis ku ah midnimada dalkaas

05 Sept 2020 (Puntlandes) Dowladda Itoobiya ayaa ka fiirsanaysa tallaabada ay ka qaadi karto gobolka Tigray oo dadkiisu dhowaan u dareeri doonaan dooraashooyin ismaamulid. Xisbiga TPLF oo ka taliya Tigray wuxuu ku ka gacansayray baabbi’inta xisbigii EPRDF iyo samaynta xisbiga Badhaadhaha (Prosperity).

Qalalaase siyaasadeed ayay doorashooyinka Tigray u keeneen Abiy Axmed oo awood-urursi talisyadii hore ee Itoobiya caanka ku ahaayeen doonaya inuu ku maamulo Itoobiya. In ka badan 80 qowmiyadood ayaa ku nool Itoobiya. TPLF waxay noqotay ciidanka Difaaca Itoobiya 1991kii inkastoo markii dambe Meles Senawi, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya, iskudhaf ciidan oo qawda maqashii ah sameeyay.

“Waxaan ognahay in Abiy uu diidan yahay in ay dhacdo doorashadan lagana yaabo in si milatari ah u farogeliyo amaba uu dhaqaalaha jarto balse waan qabanaynaa doorashada.”ayuu yiri Getachew Reda oo hore u soo noqday wasiirka warfaafinta dowlada federalka Ethiopia haddana ah afhayeenka jabhada xoreynta Tigray.

Muddo 27 sano Tigray waxay u diyaargaroobaysay isbeddel siyaasadeed oo dagaallo sokeeye dib ugu soo celin kara Itoobiya. Ciidanka helay tababbarka ugu fiican ayuu gobolka Tigray leeyahay. Hubka Itoobiya ugu badan wuxuu yaallaa Tigray, oo xudduud la leh Eritreeya. Abiy wuxuu isku halaynayaa Isias Afwerke, madaxweynaha Eritreeya, oo taageero uu Tigray ku weeraro ka haysan dadkiisa. Haddii doorashooyinku dhacaan waxaa dowladda Itoobiya ku iman doona cadaadisyo si gobolladu u helaan xaq la mid ah kan Tigray cudud ku heshay.

Dowladda Itoobiya waxay xabsiga u taxaabtay siyaasiyiinta ugu saamaynta badan Oromada oo uu Abiy Axmed u arkayo inay awooddiisa siyaasadeed halis ku yihiin. Itoobya waa dal marba hal qowmiyad ay dadka intiisa kale u taliso. Jawaar Maxamed oo hadda xiran kana tirsan Xisbiga Federaalka Oromada wuxuu sheegay “in Oromada, Amxaarada iyo Tigreegu ku loollamaan xukumidda Itoobiya.”

About The Author