Safaaradda Marakayka ee Somalia oo ka hadashay shriaraka hanaanka doorasho ee socda
05 Sept 2020 (Puntlandes) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo war qoraal ah soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka ayaa ku boggaadisay Madaxtooyada Soomaaliya inay Muqdisho keenaan Madaxda sadex dowlad Goboleed oo kala ah Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo aan Muqdisho iminka ku sugnay halka ay joogaan madaxda Puntland iyo Jubaland oo dalbaday in la keeno.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho ku sugan ilaa talaadadii la soo dhaafay ayaa waxay dalbadeen in la keeno madaxda kale si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.
sidoo kale waxay si weyn uga mahadceliyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor doorkii hoggaamineed ee shirkii Dhuusamareeb 3, iyadoo lagu dhiirageliyay DFS iyo Dowlad Xubnaha ka ah in loo bahan yahay inay dhameystiraan heshiis sal ballaara oo ku saabsanhanaanka doorasho ee dalka.
Puntlandes.com