Madaxweyne Axmed Madoobe oo xalay la kulmay Guddoomiye Muudey

06 Sept 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey.

Kulankan oo ka dhacay hoyga uu Axmed Madoobe ka degan yahay nawaaxiga Madaxtooyada ayaa labada dhinac waxay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii doorashada ay waqtigeeda ugu dhici laheyd.

Guddoonka Golaha Shacabka, gaar ahaan Guddoomiye Maxamed Mursal iyo C/weli Muudey ayaa maalmihii la soo dhaafay ka maqnaa saaxada siyaasadda, iyagoo aan qeyb ka aheyn kulamada looga arrinsanayay arrimaha doorashooyinka.

Puntlandes.com

About The Author