Saaxiibada caalamka waxay soo dhoweynayaan wada-hadalka DFS iyo DGXF ee ku aaddan hanaanka doorasho

14 Sep 2020

SAAXIIBADA CAALAMKA WAXAY SOO DHOWEYNAYAAN WADA-HADALKA DFS-DGXF EE KU AADDAN HANAANKA DOORASHO

Muqdisho – Saaxiibada Caalamka* waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Dowlad Gogoleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka (DGXF). Saaxiibada [daneeya arrimaha Soomaaliya] waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo. Saaxiibadu waxay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah  sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.

Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.

 * – Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

About The Author