Akhriso Guddiga Qaban qaabada Doorashada Xildhibaanada iyo Senatarada Gobolada Waqooyi oo la magacaabay
01 Okt 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddi Xildhibaano iyo Senataro isugu jira oo qabanqaabada doorashada Xildhibaanada labada aqal ku matali doona gobolada Waqooyi.
Warqadan uu Gudoomiyaha Aqalka sare ku magacaabay guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa loo kala direy Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxda dowlada goboleedyada.
Qoraalkan ayuu guddoomiyaha Aqalka Sare ku xusay in aan lagala tashan xildhibaanada iyo senatarada gobolada waqooyi ka soo jeeda heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho 17kii bishii laga soo gudbay ee September.