RW Rooble oo amar dul dhigay wasiirada sii hayayaasha xilka ah

04 Okt 2020 (Puntlandes)  Ra’iisal wasaaraha dawladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amaro cusub oo uu cadaadis hor leh ku saarayo wasiiradii xukuumaddii Kheyre ee sii hayayaasha xilka ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray xubnaha golaha wasiirada ee sii hayayaasha xilka ah inaysan keligood go’aan gaarin karin, isla markaana ay tahay inay isaga lasoo wadaagan waxkasta, ka hor inta ay go’aamin.

Sidoo kale wuxuu xubnahaasi faray inaysan soo saari karin qoraal uusan ogeyn, iyada oo uu ku waajibiyey in nuqul kamid ah qoraaladaasi ay soo ogeysiiyan Ra’iisal wasaaraha iyo sii-hayaha Ra’iisal wasaare kuxigeenka.

Wuxuuna xusay Ra’iisal wasaaruhu inuusan marnaba aqbali doonin tallaabo kasta oo ka hor imaneysa awaamiirtan cusub ee uu soo saaray.

“Xukuumadda jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxa aasaas u ah ku dhaqanka dastuurka, xeer hoosaadka golaha wasiirada, shuruucda iyo xeerarka u yaalla jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxa ayna ku shaqaynaysaa daah-furnaan, isla xisaabtan iyo dowlad wanaag” ayuu ku yiri waraaqda uu soo saaray Rooble.

Ugu dambeyntiina wuxuu faray xubnaha golaha wasiirada ee sii hayayaasha xilka ah inay muujiyaan waxqabad ay mas’uuliyad ku dheehan tahay, isla markaana looga baaqsanayo dayac ku yimaada waajib gudashadii iyo waxqabadkii xukuumada, ka hor inta uusan soo dhisin xukuumaddiisa cusub.

Puntlandes.com

 

About The Author