Shirweynaha KULMIYE oo Ergeda ku Dooratay Shanta Xubnood oo Xisbiga Hoggaamin Doonta
05 Okt 2020 (Puntlandes) Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa maalintiisii labaad galay, waxaana ay ergadu cod ku dooratay shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno ee soo socota.
Shirweynaha oo ay ku sugnaayeen 806 (siddeed boqol iyo lix) ergey oo kamid ah xubnaha ergooyinka xisbiga, ayey shirguddoonka shirweynuhu gudo galeen Ajandaha shirka, waxaana ay ugu horrayn ergadu cod ku meel-mariyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey qodobbo kamid ah xeer hoosaadka xisbiga KULMIYE.
Xubnaha ergadu waxay cod ku meel mariyeen in wax laga beddelo habkii uu ku iman jirey hoghayaha guud ee xisbiga, isla markaana uu xoghayaha guud soo magacaabayo guddoomiyaha xisbigu, xilka qaadistiisa iyo magacaabistiisana ay ansixinayaan golaha dhexe ee xisbiga, iyada oo sidoo kale ergadu cod ku ansixisay inaan waxba laga beddelin tirada golaha dhexe ee xisbiga oo lasoo jeediyey in la yareeyo.
Intaa kaddib, waxa la gudo galay doorashada Shanta xubnood ee hoggaamin doonta xisbiga muddada shanta sanno ah ee soo socota, iyada oo la yeeriyey magacyada xubnaha buuxiyey shuruudihii ay guddida qaban-qaabadu hore u shaacisay, waxana ay ergadu cod aqlabiyad ah ku dooratay in:
- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu sii ahaado guddoomiyaha xisbiga KULMIYE
- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigana loo doortay Maxamed Kaahin Axmed oo ah wasiirka arrimaha gudaha
- Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigana waxa loo doortay Axmed Cabdi Dheere.
- Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaadna ergadu u dooratay Xuseen Aadan –cadde
- Guddoomiye-ku-xigeenka Afraadna loo doortay Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo isagu ku cusub hoggaanka xisbiga, ahna wasiirka Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha
Puntlandes.com