Golaha Guurtida Somaliland oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka

06 Okt 2020 (Puntlandes) Mudanayaasha Golaha Guurtida Maamulka Somaliland ayaa Maanta oo tallaado mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Hargeysa, iyagoona uga dooday hal ajende.


Kulankii Golaha Guurtida inta uu socdau ayaa waxaa looga dooday ansixinta Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa 53 Xildhibaan.

Intaas kadib Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa ansixiyay Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland, waxaana ogolaatay ansixintiisa 49 Mudane, laba Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.

Xeerka doorashooyinka ayaa waxaa maalmo kahor ansixiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo haatan uu xeerkaas u gudbayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan sheegay inay socdaan howlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka

Puntlandes.com

About The Author