Sawirro: Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo Xafiskiisa ku qaabiley Qunsulka Dowladda Ethiopia u Fadhiya Puntland

06 Okt 2020 (Puntlandes)  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad Oo Maanta Xafiskiisa ku qaabiley Qunsulka Dowladda Ethiopia u Fadhiya Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay iyo masuuliyiinta ka tirsan Xafiiska Qunsiliyadda Puntland.

Wasiir Dhabancad iyo Qansulka Dowlada Ethiopia ufadhiya Dowladda Puntland ayaa ka wada hadalay xoojinta wada shaqaynta DPL ee Soomaaliyeed iyo Dowladda Ethiopia ee dhinacyada amaanka, Dhaqaalaha, hormarka.

Sidoo kale, Wasiirka iyo masuuliyiinta Qusuliyadda Ethiopia ee Puntland ayaa kawada hadlay shir ay dhawaan isugu imaanayaan Dowladda Puntland iyo Dawlad Deegaanka soomalida shirkaas oo looga wada hadli doono, iskaashiga ilaalinta xaduudaha iyo xoojinta Wada shaqeynta Dowladda Puntland iyo Dawlad Deegaanka soomalida.


Puntlandes.com

About The Author