Sawirro-muuqaal: Ra’iisul Wasaare Rooble “Shacabka Muqdisho ma istaahilaan, culeyskii ay kala kulmeen muddadii ay Waddooyinku Xirnaayeen

13 Okt 2020 (Puntlandes)  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in jidadka Caasimadda loo furay si loo fududeeyo nolosha, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha.

Mudane Rooble ayaa ka raaligaliyey shacabka Muqdisho dhibaatooyinkii ay kala kulmeen xirnaanshaha wadooyinka.

“Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka Muqdisho ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha wadooyinka. Shacabkuna ma astaahilaan, mana qaadan karaan culeyskii ay kulmeen muddadii waddooyinku xirnaayeen”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono jidadka kale ee xiran, kuwaas oo iyagana la furi doonno wakhtiga ugu horreeya ee la hubiyo in khatar uga imaaneyn shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS M. Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka sida ay ugu dhabar adeyggeen difaaca shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay kor u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada.



Puntlandes.com

About The Author