Daawo Video: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Gaalkacyo ka soo degay isagoo Jabuuti ka yimid

Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar ”Camay”,ayaa maanta ka soo degay magaalada Gaalcayo isagoo ka soo laabtay safar dhawr casho qaatay oo uu ku aaday magaalada Jabuuti ee dalka jabuuti.

Camay ayaa sheegay in uu heshiis la soo galay dawlada Jabuuti, Madaxweynaha jabuuti Ismail Omar Geele oo ah nin aan waxba dhaafin ayaa wuxuu doonayaa in ay ganacsatada Puntland isticmaalaan Dekadiisa iyadoo ay reer Puntland 25 kii sano ee u dambeeyey aysi xor ah u isticmaalayeen UAE. Heshiiskani waa mid u danaynaya oo kaliya Jabuuti ee maaha heshiis u danaynaya reer Puntland.

 

Daawo Videow

Puntlandes.com

About The Author