Baarlamaanka Hirshabelle oo Guddoomiye doortay

04 Nov 2020  (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka HirshabelleCabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed oo helay codad gaaraya ilaa iyo 77 Cod, halka musharax la tartamay ee Maxamed Maxamuud Goodir uu isla helay Codad gaaraya 21, waxaa xumaaday hal Cod.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Cabdixakin Luqmaan uu ku guuleystay Doorashada, isla markaana uu noqon doono Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Puntlandes.com

About The Author