Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestey magacaabida Guddiga Doorashooyinka

05 Nov 2020  (Puntlandes) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi ayaa ka soo horjeestey magacaabista guddiga doorashooyinka oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray.

Cabdi Xaashi Cabdulaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ka tagay xubno uu u gudbiyay, kuwaas oo ka mid noqon lahaa guddiyada doorashooyinka.

Qoraal uu soo saaray Maanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdillaahi oo la ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra;iisul Wasaaraah & Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble hadii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi (Dir Waqooyi)aysan ka warqabin,isla markaana matalin.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha Aqalka Sare

Puntlandes.com

 

About The Author