Joe Biden oo ku guuleystey doorashada dalka Maraykanka
07 Nov 2020 (Puntlandes) Joe Biden ayaa ku guuleystey doorashada dalka Maraykanka kadib markii uu helay illaa hadda cocadka la tiriyey 273 codadkii ergooyinka, kaas oo uu u baahan yahay musharaxu inuu helo ugu yaraan 270.
Biden oo da¨diisu ay tahay 78 jir, ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu da’ada weynaa ee xilkaas ku guuleysta, wuxuu kaloo noqonayaa madaxweynihii hela codadaka ugu badan intii uu Maraykanku jiray isagoo helay codod ka badan 75 malyan.
Biden madaxweynaha 46aad ee Maraykanka ayaa noqonayaa qofkii saddexaad ee ka guuleysta madaxweyne xika haya dalka Maraykanka qarnigan.
Kamala Harris ayaa noqonaya Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka iyadoo ay tahay haweeneydii ugu horeysay oo xilkaas ka qabata dalka Maraykanka, waana qofkii ugu horeeyay oo ka soo jeeda dadka Madow iyo Aasiya oo derejadaas ka gaara dalka Maraykanka
Puntlandes.com