Daawo Mahdi Guuleed oo sheegay inuu Cabdi Xaashi yahay hoggaamiye mucaarad oo wiiqay awooddii sharci dejinta

08 Nov 2020  (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku tilmaamay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka inuu yahay Hoggaamiye mucaaradka dowladda, kaddib markii Guddoomiyaha ka soo horjeestay magacaabidii Guddiga doorashada Xildhibaannada Labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.

Mahdi Guuleed oo wareysi siiyay Warbaahin lagu magacaabo Horufadhi Media TV ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu si is-daba joog u soo saarayay qoraalo mucaaradsan dowladda.

“Dhowrkii sano ee u dambeysa sida aad warbaahinta kala socoteen ama qoraalad ais daba joogga ee uu soos aaray waxa ay tusineysay in cabdi Xaashi yahay Hoggaamiye mucaarad, hoggaamiyaha mucaaradka dowladda, wuxuuna wiiqay awooddii sharci dejinta, waayo sharci dejinta waa Baarlamaan labo aqal ka kooban aqalka sare muddo ma aanay fariisan, qeyla dhaantooda waa ogeyd, hadda waxaa jira aqal sare oo aan muddo fariisan”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxaa uu sheegay in aanu ogeyn khilaaf u dhaxeeya Cabdi Xaashi iyo Madaxweyne Farmaajo, balse uu khilaaf u dhaxeeyay Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo muddo labo sano ku dhow aysan wada shaqeyn oo khilaafkaas jiray.

Mahdi Guuleed ayaa ah taageeraha ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo, waana tan keentay in mar kale Xukuumadda dib loogu soo daro.

Loolanka Xildhibaannada gobolada waqooyi ayaa qeyb ka ah doorashada Soomaaliya, iyadoo Mahdi oo Farmaajo garab ka heysta uu doonayo inuu lahaado awoodda kama dambeysta ee soo xulista Xildhibaannada gobolada waqooyi, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu yahay mas’uulkii ugu sareeyay Xildhibaannada Gobolada Waqooyi la doonayo in bannaanka la dhigo.

Puntlandes.com

About The Author