Puntland oo Gaalkacyo ku qabatay shabakad ka tirsan
10 Nov 2020 (Puntlandes) Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayay ku qabteen shabakad ka tirsan Alshabaab oo dilal kala duwan ka gaystay gudaha magaalada, kuwaas oo ka kooban todoba xubnood.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in gacanta lagu dhigay shabakaddii Alshabaab u qaabilsanayd dilalka Gobolka Mudug, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka kooban todoba xubnood, isla markaana ay ku jiraan laba Amiir.
Shabakadda la qabtay ayaa qirtay in ay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gaalkacyo tan iyo sannadii 2018, waxaana weli ku socda baaritaan, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland.
Sidoo kale waxay saraakiishu tilmaameen, in ay dib ka shaacin doonaan magacyada xubnaha la qabtay, oo ay ku jiraan laba Amiiro oo muhiim ah, kadib markii ay soo geba-gabowdo natiijada baarista, dabadeedna ay u gudbin doonaan maxkamad ciidan.
Puntlandes.com