Sawirro: Ciidamada Amniga Puntland oo hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo ku sameeyey gobolka Bari

14 Nov 2020 (Puntlandes)  Ciidamada Amniga Puntland ee lagu magacaabo Puntland Security Force (PSF) qaybtooda difaaca oo ay weheliyaan Ururka #Galayr ee ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo ku tegay tuulada Karin iyo buuraleyda Ceel Onkud iyo Muguc.

Degaanadaan ciidamadu hawlgalka ka sameeyeen oo magaalada Bosaso ka xiga dhanka koonfur bari 45km ayaswaxaa saldhigyo ciidan ku leh ciidamada difaaca Punland ee dagaalka kula jira kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish.


Puntlandes.com

About The Author