Sawirro: Axmed Karaash oo kormeeray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo Qasriga Madaxtooyada
15 Nov 2020 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo Qasriga Madaxtooyada kuwaasi oo meel wanaagsan maraya iyo sida ay u socoto horumarinta bilicda xarunta Madaxtooyada.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xarumaha uu kormeeray waxaa ka mid ah dhismaha hoolka shirarka ee weyn, qeybta casriga ah ee loo dhisayo soo dhoweynta martida oo booqashada ah, dhismeyaasha xarumo kulan oo cusub iyo beerta nasashada ee xarunta Madaxtooyada taasi oo kor uqaaday bilicda Qasriga Madaxtooyada.
Koormeerka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Madaxtooyada Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, oo la wadaagay Madaxweyne ku-xigeenka warbixinta shaqada dhismeyaasha ka socda xarunta madaxtooyada oo meel gebogebo ah maraya.