Akhriso Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qoraal u diray beesha caalamka kusheegay in madaxweyne Farmaajo, RW iyo taliyaha NISA si sharciga baalbarsan umagacaabeen Guddiga doorashad
15 Nov 2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa u uqoraal u diray beesha caalamka ku sheegay in madaxweyne Farmaajo, xukuumaddiisa iyo taliyaha NISA si sharciga baalbarsan u magacaabeen Guddiga doorashada ee Somaliland si ay u xushaan taageerayaashooda.
Cabdi Xaashi ayaa sheegay in madxada sare ay sharcigii ku tunteen isla markaana ay nidaam sharciga baalmarsan u mareen magacaabista guddiyada doorashada Soomaaliya, iyagoo eeganaya danahooda gaarka ajh.
Somaliland ayuu qoraalka ku sheegay gudoomiyuhu inay Baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay 57 xubnood kuwaas oo madaxweyne Farmaajo uu u doonayo taageerayaashiisa si uu kursiga kusii fadhiyo.