Sawirro-muuqaal: Axmed Karaash oo shirguddoomiyay Shir looga arrinsanayo xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI

23 Nov 2020 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku-Xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hadda Shir-guddoomiyay Shir Gole Wasiir oo deg deg ah kaasi oo looga arrinsanayo xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay deegaan xeebeedka Gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafu.

Shirka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa ka warbixiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.

Khasaaraha ay gaysatay GATI inta la ogyahay ilaa hadda ayaa ah dhimasho 7 ruux ah oo ku dhasahy dalka Yemen, Kalluumaysoto badda ku maqnaa oo ilaa hadda aan lahayn, 6 doonyood oo soo caariyey, Isgaarsiinta ayaa iyana go’day.



Puntlandes.com

About The Author