Dawlada Gaas oo Mushahaarkii bixin la’ ayaa maanta ansixisay in ay dhisayso wado laamiya oo dhererkeedu yahay 220 Km

Shirkii khamiislaha ahaa ee golaha Wasiirada Puntland ayaa sidii caadada u ahayd maanta waxaa ka soo baxay wax lagu qoslo taasoo ah go’aan ay ku ansixiyeen in ay dhisayaan wado laami ah oo dhererkeedu yahay 220 Km, wadadaas oo isku xiraysa Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo ee Xurunta gobolka Sanaag.

Akhri go’aanka Dr Gaas

1851-1

 

Runtii ma istaahisho in wax laga qoro laakiin warbaahinta Puntlandes oo akhristayaasheeda u ifisa xaqiiqada jirta ayaa waxay doorbiday in ay labo eray ka dhehdo Riwaayada cusub ee DR Gaas.

Ma leedahay awood dhaqaale dawlad Dr Gaas ee inay ”isfaaniso uun u jirta” una horseeday Puntland dayac iyo maamulxumo inay dhisto wado laami ah oo intaas dhererkeedu yahay? Jawaabtu waa maya oo haddii iyaga wax ka soo hareen waxay Mushahaarkooda siin lahaayeen Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada oo aan mushaar qaaday mudo lix bilood ka badan.

Su’aasha labaad ayaa waxay tahay ma xukuntaa degaanka balaaran oo ay leedahay wadaan u samaynayaa,. Mise xaajadu waa iska hadal uun? Jawaabtu waa maya ma maamusho wado ay u samaysana waxaa ka horeeya in ay degaankaas Somaliland oo haysata badankiisa kala wareegto.

1693

Xeel dheerayaan odorasa go’aamada noocaan oo kale ah ayaa waxay ku cabireen in go’aankani uu yahay qaab cusub oo Dr Gaas iyo kooxdiisa lacag urursiga ku jira ay doonayaan in ay shacabka Puntland oo hore ay canshuurtoodii jeebka ugu shubteen in ay lacag kale uga qaataan. Waxaa iswaydiin mudan ma waysan ogayn Dr Gaas iyo saaxiibadii in la bartay oo shacabka Puntland ka dheragsan yihiin.

Puntlandes.com

 

About The Author