ku-simaha madaxweynaha puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka oo guddi u magacaabay xaaladda ka dhalatay duufaanta ku dhufutay qaar ka mid ah gobolada Puntland.
23 Nov 2020 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash, ayaa guddi u magacaabay xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay qaar ka mid ah Gobolada Puntland.
Guddiga oo ka kooban 11xubnood, waxay kala yihiin:
1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta ( Guddoomiye).
2- Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. (Xubin).
3- Eng, Maxamuud Xaaji Saalax, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Xubin).
4- Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah (Xubin).
5- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska (Xubin).
6-Dr, Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (Xubin).
7- Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta (Xubin).
8- Cabdirashiid Cali Geelle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada (Xubin).
9- Siciid Cismaan Aadan, Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha (Xubin).
10- Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Xubin).
11.Cumar Xasan Fiqi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda (xubin)
12- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed, Maareeyaha Guud ee Hay’ada HADMA (Xoghayn)
=DHAMMAAD=