Wasiir Indha-Guran oo La Wareegay Puntland-Tv, Iyo Khatar soo Wajahdey Sumcada TV-ga

Waxaa Isbuucii hore si Toos ah loo hoosgeeyay Puntland TV iyo Radio, Wasiirka Warfaafinta Puntland Abdiwali Indhaguran. Talaabadan ayaa Cabsi Iyo Wal-Wal Ku abuurtay Hayadaha UN Iyo NGOs oo Iyagu Xiriir fiican la lahaa Tiiviga Iyo Maamulka. Masuul u shaqeeya Hayada UNDP kana gaabsaday Magaciisa ayaa xusay in Abdiwali Indhaguran uu horey u sameeyey Masuqmaasuq xad dhaaf ah, Sanadkii 2013 January Xiligii uu ahaa Wasiirka Sports Puntland.

1858

 

Isagoo isdabamarino ku sameeyey ama lunsaday lacag Deeq ah oo ay Hayada UNDP ugu talagashay Sports Gobolka Mudug. Masuuliyiin ka socdey Hayada UNDP ayaa warqad gaarsiiyay Madaxweynihii Markaa joogay Abdirixmaan Faroole, Waxana ay Hayadu Ilaa Iyo Maanta ay wadaa (Internal proceeding) Hayada UNDP ayaa Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas, u gudbisay Dacwadii ka dhanka aheyd Abdiwali Indhaguran balse uu iska indhatiray Musuqmaasuqa uu sameeyay Wasiir Indhaguran oo hada Saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Puntland. Hayada UN ayaa hada u muuqda kuwa kalsoonida kala noqonaya TV-ga Puntland Xili Wasiirka Warfaafinta Abdiwali Indhaguran ay Ku cadeeyeen Musuqmaasuqii uu kula kacay Deeqdii UNDP Sanadkii 2013. Waxaa iyana soo baxaya Warar sheegaya Shaqaalaha TV-ga Puntland Iyo Madaxda-sare iney isaga tagi doonaan TV-ga si ay u difaacaan Sumcada Iyo Sharafka Shaqadooda maadama Wasiir Indhaguran lagu yaqaan Musuqmaasuq.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markuu doorashada gelayey waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee uu balanqaaday waxaa ka mid ahaa in uu la dagaalamidoono Musuqmaasuqa iyo ku takrifalka hantida dadwaynaha haddii loo doorto kursiga madaxtinimada Puntland. Waxyaalihii uu dadka ku soo jiitay oo uu balanqaaday waxaa ka mid ah in uu diiwaangelin doono hantida ay haysteen inta aysan madaxda noqon Madaxweynaha, Ku xigeenka madaxweynaha, Golaha wasiirada iyo dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee dawlada si loo ogaado qofkii yeesha hanti ka duwan tii uu lahaa markuu masuulka noqonayey. Balanqaadkaas aad baa reer Puntland u soo dhaweeyeen, laakiin sidii balanqaadyadii kale ma fulin ilaa hada madaxweyne DR Gaas.

Garaase Ahmed

Puntlandes

About The Author