Ambassador Nicolas Key, Oo Madaxweyne Gaas Ku Amaray inuu Casuumo Raisal-Wasaare Cumar Cabdirishiid

Wararka ka imanaya Magaalada Mogadishu ayaa sheegaya, Fariin Qoraal kasoo baxdey Xafiiska Nicolas Key, kuna socotay Madaxweynaha Puntland. Fariintan ayaa si cad loogu sheegey in lagu Casumo Shirka ka Dhici doona horaanta Bisha April Raisal-Wasaaraha Somalia Omar Abdirishiid Ali Sharmaarke.

Masuul aan Shaacin Magaciisa ayaa xaqiijiyay Warqada loo diray Madaxweynaha Puntland, iyadoo looga Digay inuu iska dhaga-tiro Talada Beesha Caalamka. Masuulkan ayaa sheegey in lagu xusay Warqada loo Diray Madaxweyne Abdiwali Gaas, u diro Warqad Casumaad ah Raisal-Wasaaraha Somalia Omar Abdirishiid.

1859

Isku soo wada Duub Amarka Beesha Caalamka ey Ku Amartay Madaxweynaha Puntland ayaan la aqoon Waxa uu sameyn doono Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas, Oo hada la Xulufo noqday Madaxweyne Xassan Culusow Iyo Labada Madaxweyne Shariif Xassan iyo Axmed Madoobe.

 

Garaase Ahmed

Puntlandes.com

About The Author