Duufaanada siyaasadeed ee ku soo wajahan Somalia iyo saamaynta ay ku yeelan doonto PUNTLAND
Waxan ka wada dharagsanahy in Puntland Lagu Bartay kashaqaynta iyo raaadinta xalka Somaliyeed, Hasa yeeshe Madaxwaynaha hada talada haya ee Puntand Cabdiwali Cali Gaas, waxa mooda inuu Midaas garab maray si cad una sacabo tumayo burburka uma Soomaaliyeed isago ku doorsanaya Dano Yaryar oo U khaasa isaga ay ka mid yahiin inuu isku beego Doorasha Fadaraalka iyo Waqtiga uu Xilku uga eg yahay isaga si uu Unoqdo Musharax u taagan Xilkaas Waa 2018 kee.
Xil kordhinta Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud, wa mid dib udhac u ah umada Soomaliyeed Wana Miday Kaso Horjeedan Intooda Badan Uma Soomaaliyed Culumo Siyaasiyin Aqoonyahano iyo Inti Wax Garad ahba.
Waana mid Khilaaf Soo Kala Dhax Galisay Gudoomiyaha Baarlamka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cisman (Jawaari) iyo Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamud, taaso la xariidha in Madaxwayne Xasan soo bandhigo qorshayaasha dorashada ee 2016 halkas oo Xasana Ka Cago Jitino ,Waxa kale oo si cad uga hor yimi uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya Niclos-key.
Sidoo kale waxaa Walwal ka muujiyay siyaasiyin badan oo sumucad ku leh maslaxa Siyaasada ee Soomaaliyaa aaminsana inay tahay dib u dhac hor leh .
Hasa yeeshe waxaa Modaa inay ku adkaysanayaan Damu-jadid iyo Abdiwali Cali Gaas Arintaas
Dhanka kale Puntland w axa Jira Iyana Siyaasiyiin badan oo kasoo horjeeda Siyaasad xumada Madaxwayne Gaas ee ku salaysan dhuuniga yar iyo kursi aan la hubin.
Waxaan Lasoconaa kana Digaynaa In Arintaan ay Dhalinayso khilaaf Iyo kala Aragti duwanaansho u dhaxeeya Maxadwayne Gaas iyo Qaybo kamida xukuumadisa midaasna waxay Dib udhac wayn ku keenaysa hiigsiga himilo Ee Puntland .
Dhinaca kale waa mid uu Madaxwayne Gaas ku waayayo kalsonida shacabka reer Puntland.
Sidoo kale Waxaysan raali ka noqon Doonin qayb badan oo ka mid ah reer Puntland Shirka lagu qaban doono Garawe ee ay iskugu imaanayaan Madaxda Maamulda ka Jira Dalka ee Madxwayne Abdiwali Doonayo Inuu kaga dhaadhiciyo mudo kordhin In Loo Sameyo Xukumada Madaxwayne Xasan Sheikh Waana Arin Mudan Inuu ka fiirsado Madaxwayne Abdiwali Cali Gaas.
Qore Najib Jama Modobe
Daabacaadii: Puntlandes.com