Taliyaha DANAB oo sheegay inay adag tahay in xilligan la helo dowlad kale oo buuxisa booska uu banneeyo Mareykanku
06 Dec 2020 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB Col. Axmed C/llaahi Nuur ayaa ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo la filayo in horraanta sanadka cusub ee 2021 laga saaro.
Taliye Axmed Nuur oo wareysi siiyay Idaacadda BBC ayaa sheegay inay adag tahay xilligan in la helo dowlad kale oo buuxisa booska uu banneeyo Mareykanka.
Waxaa uu sheegay in Mareykanka uu si weyn uga caawin jiray Ciidamada dhanka ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, isla markaana taariikh weyn uu ku leeyahay howlgalada ka socda Soomaaliya.
“Ma jiro taariikhda dal lamid ah mareykanka oo caawinaad noocaas ah inta ay noo soo diraan lagu hawlgelin jiray ciidamadeena iyo kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska Ciidamada Qaranka”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka DANAB.
Taliyaha DANAB ayaa sheegay in loo darsan doono howlgaladii ay Ciidamada Mareykanka ka wadeen Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya looga baahan yahay inay cashir ka bartaan in aan la isku haleyn Ciidamo shisheeye.
Donald Trump ayaa ku amray Waaxda Difaaca Mareykanka iyo taliska Mareykanka ee Africom in Soomaaliya laga soo saaro illaa 700 askari.
Ciidamada Mareykanka ayaa saldhigyo ku leh Garoonka Balli-doogle iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo halkaasoo la rumeysan yahay inay ka qaadaan weerarada duqeymaha iyo howlgalada ay ku taageeraan Ciidanka DANAB.