Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay Puntland & Jubaland inay soo gudbin Guddiyada doorashada, sheegayna
06 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka ballaaran ee ay gelisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga aadanaa heshiiskii ay gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku saleysan habraacyadii lagu heshiiyay, waxaana u mahadceliyay dowlad goboleedyada fuliyay qeybtii kaga aadaneyd ee heshiiska doorashada, gaar ahaan xubnihii ay ku lahaayeen Guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan Dowlad Goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon.
Dhanka kale madaxweynaha ayaan wax garawsiiyo ah ka bixin diidmada ay Puntland, Jubaland iyo midowga musharixiinta madaxweynaha diidan yihiin Guddiyada doorashada ee heer federaal iyo kan Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ka buuxaan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaalaha xafiiska madaxweynaha.