Isbitaalka Magaalada Buuhoodle oo qaybaha ugu muhiimsan shaqadoodu is taagtey kadib Dayac soo wajahay
Isbitaalka dhexe ee magaalada Buuhoodle ayaa qaybaha ugu muhiimsan shaqadoodu is taagtey kadib Dayac soo wajahay.
Qaybaha Xidhan ee Cubitaalka waxaa kamid ah, Qaybaha Bukaan Jiifka, Shaybaarka iyo Qaliinka.
Agaasimaha Cusbitaalka Buuhoodle Dr. Cali Xukun Yusuf Maxamed ayaa sheegay in xaalada isbitaal ay tahay mid adag una baahan la lasoo taageero wuxuu sidaas usheegay Idaacada Daljir.
Xigasho:puntlandpost