Dawladda Puntland oo sarifka doollar qiimo u gaysay

06 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxda Sadexda Wasaaradood ee Maaliyadda, Ganacsiga iyo Warfaafinta oo shir Jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa waxa ay kaga hadleen Sarifka lacagaha Suuqyada Puntland iyo habka ay u fuleen amarkii la siiyay Shirkadaha is gaarsiinta ee adeeg sada lacagta electronic money.


Shirkan Jaraa’id waxaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo ay weheliyeen Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi iyo Wasiirku Xigeenka Warfaafinta Cabdisalaan Siciid Faarax.

Wasiirka Ganacsiga Dawladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, ayaa ugu horyan halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Waxaa jira dad bulshada ku dhex faafiya aragti qalad ah oo ay ka mid tahay in Dawladdu diiday in ay Cashuurta ku qabato shiling Soomali waad ogtihiin dawladaha hoose in lagu qabto shiling soomali marka in la dhoho dawlada ayaa diiday waa mid been abuur ah oo bulshada lagu jahwareerinayo …”

Wasiirka Cabdullaahi  oo ka hadalay sarifka lacagta ee suuqyada Puntland ayaa yiri “Bangiga dawladda Puntland sarifku waa 35000 kun shilin boqol oo Somali ah ($1) Dollar hadaba dhamaan ganacsatadu ha ku tusaale qaateen hana raaceen Bangiga dawladda Puntland, waxaan usheegaynaa in Dawladdu la socon doonto dhadhaqaaqa suuqayada Puntland ilgarana ku eegayso”

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray”Wasirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri Waxaa jira ganacsato faraku tiris ah oo jah wareer ku wada suuqyada ganacsi ee lacagta iyo macayshada Dawladduna talaabo ayay ka qaadaysaa hadii aysan ka waan toobin waxa ay wadaan”

Ugu dam bayn Wasiirka ayaa u mahad celiyay shirkadaha isgaarsiinta sida ay ufuliyeen amarkii ka soo baxay dawladda Puntland.

Puntlandes.com

About The Author