Sawiro: Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka oo tagay Dugsiga hoose dhexe ee Salaama Gaalkacyo
Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa maanta oo Axad ah tagay Dugsiga hoose dhexe ee Saalama oo ku yaala bartamaha magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug, wuxuna gaarsiiyay mamulka iyo ardaydda farriinta wacyi galinta ee joojinta Qaadka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gobalka Mudug, ku xigeenka Maayarka Gaalkacyo, Gudoonka waxbarashadda magaladda iyo mamule ku xigeenka shirkadda Golis ayaa ku weheliyay socdaalka uu Cawaale ku tagay Iskuulka Salaama, wuxuna marka hore kulan kooban la qaatay mamulka Iskuulka, iyadoona ka wada hadlay ka qayb qaadashada wacyi galinta Qaadka.
Gudoonka waxbarashadda degmada Gaalkacyo Maxamed Xaaji Faarax Garwayne ayaa tilmaamay inay dowrkooda ka qaadan doonan wacyi galinta uu Qaaddiis Gobalka soo gaarsiiyay.
Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) iyo Maayar ku xigeenka Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalle oo kulankan ka hadlay ayaa dhankooda sheegay inay ka go’an tahay sidii dadka ku nool Gobalka Mudug looga wacyi galin lahaa waxyaabaha Maanka dooriya oo ay kow ka tahay Qaadka, taasoo diinta Islaamka ay xaaraan tinimaysay.
Tigey ayaa sheegay Olalaha la-dagalanka Qaadka inuu wada gaari doono degmooyinka Gobalka Mudug, dadkana loo sheegi doono inuu go’aanka mustaqbalka dalkooda gacanta ku jiro.
Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa khudbad uu soo jeediyay waxa uu ardaydda dhigata Iskuulka Salaama kula dardaarmay inay ka fogaadaan Qaadka ayna muujiyeen karti ay kula dagaalamayaan in dalka laga mamnuuco, waxa uu sheegay inay dhowaan dhici doonto inaan la shaqaalaysiin qof Qaad cuna, taas machaneeduna yahay in la suuliyo Qaadka.
Magaladda Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka sida xoogan Qaadka uga soo dago, waxana Qaadka la keeno Gaalkacyo Gaadiid loogu qaadaa magaalooyinka kale ee Puntland.
Ollaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Qaaddiid2015@gmail.com