Daawo Hadaljeedintii madaxweyne Deni ee shirka SPF kana hadlay xaalada dalka & khilaafka doorasha

07 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey shirka madasha iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa soo jeediyey qodobadaan;

– In guddiyadda doorashada ee lagu muransan yahay uu noqdo mid ka madax banaan faragalinta dowladda federaalka ah

– In hanaanka xulida wakiiladda Somaliland ee baarlamaanka federaalka ay ku yimaadaan wada-ogol, loogana dambeeyo afhayeenka Aqalka Sare.

– In ciidamada Dowlada Federaalka laga saaro gobolka Gedo laguna wareejiyo maamulka Jubaland

– In degdeg la isugu yimaado shir ay yeeehaan daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, si loo saxo qodobada la Isku hayo

Daawo Hadaljeedintii madaxweyne Deni ee shirka SPF kana hadlay xaalada dalka & khilaafka doorasha


Puntlandes.com

About The Author