Sawirro: Madaxweyne Deni oo kormeeray dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Bangiga dhexe ee Dowladda.

08 Dec 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Bangiga dhexe ee Dowladda.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha cusub ee Bangiga, kuwaasi oo ka kooban xafiisyo, si casri ah loo dhisayo iyo xarunta Kaydka Bangiga, ka dibna wuxuu Madaxweynuhu warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Bangiga Dhexe ee halkaasi kusoo dhoweeyay.

Dhismaha cusub ee lagu darayo Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland, waxaa dhammaantiis dhisaya Dowladda Puntland, si kor loogu qaado adeegga dowladdnimo ee loo hayo bulshada, lana tayeeyo oo la horumariyo dhaqaalaha dalka.


Puntlandes.com

About The Author