Sawiro: Wasiirka Arrimaha gudaha oo maanta gaaray Kismaayo si uu u furo shirka xulista Baarlamaanka Jubaland

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Jubbaland, waxaana Socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Warfaafinta iyo Mas’uuliyiin kale.

Wefdiga ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa magaalada Kismaayo u tagay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland oo Qorshihiisa laga wado gobolada Jubbooyinka. Wasiirka ayaa lagu wadoo in uu si rasmi ah u furo shirka xulista Baarlamaanka Jubaland.

DSC07378DSC07377DSC07374DSC07372DSC07371DSC07368DSC07369DSC07370

Puntlandes.com

About The Author