Hayada World Bank ayaa Madaxweynaha Puntland uga digtay Makiinada Lacagta Faalsada samaysa ee uu Keensadey Madaxweyne Abdiwali Gaas

Hayada Bangiga Adduunka (World Bank) Ayaa Si Cad uga soo Horjeesatay Makiinada ay soo Iibiyeen Ganacsato  Ku dhow Madaxweynaha Puntland taasoo Daabici doonta Lacagta Faalsada. Masuul ka shaqeeya Xafiiska World Bank magaciisana Ka Gaabsaday ayaa cadeeyay Mowqifka Bangiga Adduunka Iyo  sida aysan Raaliga uga Ahayn Makiinado Lacago Faalsa ah Daabaca kadibna abuura Khal-khal Dhaqaale Iyo Sicir-barar soo foodsaara Nolosha Dadka Masaakiinta ah ee Puntland Ku Nool. Bangiga Adduunga ayaa Ku Hanjabay ineysan bixin doonin Mushaharka Shaqaalaha Puntland hadii aan la qaadan Taladooda isla-markaana aan la joojin Daabacadaada Lacagta Faalsada ee Waraaqaha A4 ka sameysan.

Garaase Ahmed

Puntlandes.com

About The Author