Xog-Dubai: Dagaal Dhex-maray Wasiirka Maaliyada Puntland Iyo Feysal Xawar, Xili Hayadii Qandaraaska ay Shirka joogtay
Wararka ka imanaya Magaalada Dubai ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, Ayaa sheegaya Maalinimadii Shalay oo aheyd Maalintii la soo Bandhigayay Qandaraasyada Airpory Garowe Iyo Jaamacada Maakhir. In uu dhexmaray gacan-qaad Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Eng Feysal Xawar.
Gacan-qaadkan dhex-maray Saaxiibadii horey ayaa ka danbeysay, ka dib markii Shirkadihii Qandaraaska Dalabanayay oo mid ka mid ah uu Wakiil u ahaa Siciid Maxamed Raage Wasiirkii hore ee Dakadaha Puntland, Shirkada uu ka socdey CCc-Construction ay soo ilaaween Warqad aan sidaa u Cusleyn, balse uu diiday Wasiirka Maaliyada Shire Xaaji Faarax, Halka Eng Feysal Xawar isna Ku Adkeystay in laga qabto Dalabka Warqada Codsiga Shirkada CCc-Construction oo Iyadu hada dhiseysa Airport Bossaso. Muran dheer kadib Wasiirka Maaliyada Shire Xaaji Faarax, Ayaa Hooyo Cey xun u geystay Eng Feysal Xawar, Taasoo keentay inuu Caroodo Feysal Xawar, Kadibna uu Gacan-qaad sameeyo. Durba waxaa is-qabsaday Buuq Iyo Sawaxan, Taasoo sababtay iney Hoolka isaga baxaan, Madaxda Hayada ( Kuwait Fund ) Oo Iyagu Goobjoog ahaa. Fadeexadan Ayaa Keentay Sumcad-xumo weyn Iyo Masuuliyad-daro Xili Madaxda Hayada Kuwait Fund hortooda lagu Dagaalamo. Ragan Dagaalamay Ayaa horey u ahaa Saaxiibo Xili lagu Xasuusto Feysal Xawar inuu ahaa Agaasimihii Kaaambeynka Murashax Shire Xaaji Faarax. Isku soo wada duub Fadeexadan Shalay Dubai ka dhacdey Ayaa noqotay Middii u horeysay oo Nooceeda ah ay sameeyaan Madaxda Puntland taasoo Sabab u ah Maamul-xumida Dowlada Madaxweyne Abdiwali Gaas.
Garaase Ahmed
Puntlandes.com