Warbaahinta Puntlandes, Oo Heshey Magca Shirkada Maafiyada ah ee lasiin doono Dhismaha Jaamacada Maakhir Iyo Xog Dhameystiran

Hordhac

Sida aad nooga barateen, Warbaahinta Puntlandes  Ayaa Gacanta kusoo dhigtey Magaca Shirkada Maafiyada ah ee lasiin doono Qandaraaska Dhismaha Jaamacada Maakhir Iyo Ninka iska leh Shirkada oo Kaashanaya Hayada NARCO.
Hadaba Shirkada la filayo in la siiyo Qandaraaska Dhismaha Jaamacada Maakhir, Ayaa lagu Magacaabaa ( Consolidating Engineering ) Shirkadan Maafiyada ah ayuu iska lee yahay Ninka lagu Magacaabi Engineer Maahir oo Dhalasha ahaan Masri ah, Engineer Maahir ayaa isagu Lataliye (Consultant) U ah Shirkada NARCO oo Iyadu La-Talisa Hayada (Kuwait Fund) Hadaba Yaa iska leh Shirkada NARCO?? Sida aan la socono Shirkada NARCO waxaa iska leh Nin lagu Magacaabo  Engineer Nabiil, Isla-markaana Loo soo gaabshey Magaca Shirkada (Nabiil Abdirixmaan Construction) Ninkan iska leh Shirkada NARCO Ayaa La-Taliye u ah Mashaariicda Kuwait ee Puntland ugu deeqdey Isla-markaana Hayada (Kuwait Fund) u ah La Taliye. Hadaba Engineer Nabiil Ayaa isagu hada Qandaraaskii Jaamacada siinaya Saaxiibkiis Eng Maahir oo isna La-Taliye u ah Shirkada NARCO. Waxaa iyana soo baxdey inuu jiro Xiriir Culus oo ey wada lee yihiin Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax Iyo Ninkan Masriga ah ee Maahir, Taasoo muujineysa Saadasha Iyo Awooda Hayada Maafiyada ah ee uu horboodayo Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax Iyo Eng Maahir. Hayadan Maafiyada ah ee lagu Magacaabo Consolidating Engineers, Oo Mashruucii Hargeysa ee Kuwait Ku fashilantay Ayaa hada dooneysa iney Musuqmaasuqdo Jaamacada Maakhir. Hadaba Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Maakhir iney la xiriiraan Hayada Kuwait Fund uugana digaan Hayada (Consolidating Engineers) Iyo Engineer Maahir, Eng Nabiil Iyo Wasiirka Maaliyada. Maalintii Shalay Ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Dubai Qandaraaska Jaamacada Maakhir, Walow uu Gacan-qaad Iyo Aflagaado isu geysteen Wasiirka Maaliyada Shire Xaaji Faarax Iyo Engineer Feysal Xawar.

Warbaahinta Puntlandes waxa uu cadeynayaa Dabagalkan inuu Guuleystay isla-markaana aan laga hari doonin Kooxaha Maafiyada ah ee Puntland Xilalka ka haya. Madaxweynaha Puntland waxaa lagu Wargalinayaa inuu ka Hortago Khatartan kasoo socota Jaamacada Maakhir.

Puntlandes

About The Author