Madaxweyne Deni oo degmada Balli-Dhiddin u magacaabay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen ku-meel-gaar ah

Garoowe: 19, December, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-48 ugu magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah degmada Balli-dhiddin ee Gobolka Bari.


Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: in ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Deegaanka Degamadda Billi-dhiddin, walinna aysan suurto gelin in la dhiso Gole deegaan oo cusub.
Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Maxamed Axmed Muumin si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiddin.
2. Waxaa Cabdiqani Maxamuud Ciise si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Balli-dhiddin.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

About The Author